Maxamed Cilmi:-“Gudoomiyaha Xilka Ka Qaaday Xaaf Hadda Ka Hor ayuu Iscasilay”,

0

Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ayaa beeniyay go’aankii Maxkamaddu Maamulkaas gaartay shalay galinkii dambe.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug oo xalay shir jaraaid ku qabtay Magaladda Cadaado ayaa sheegay in go’aankas uusan waxba ka ogeyn islamarkaana cid laga qaaday xil aysan jirin.

“Halkan waxaa ka cadeynaya in Guddoomiyaha warkaasi laga sheegayo in uusan sal iyo raad toona laheyn, aanana warkaasi wax ka ogeyn, been abuurna uu yahay.aanana is arag,waxaan ogahay hada kahor Istiqaalo in uu dhiibay oo Galmudug ka tegay oo anigana igula ballamay, Istiqaaladiisii waa taal waana soo gudbin doonaa.

“Bishan 2-dii Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay Idaacadaha wuxuu yiri 25xildhibaan , Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waa in ay Maxkamadaa yimaadaan waxay sameeyeen qaran dumis, caawana wuxuu sheegay Madaxweyne Xaaf in uu dhacay Dowladdna aysan jirin eber ay tahay!”, ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug.

Shalay galinkii dambe Dr Yaxye Shiikh Cali Maxamed   Gudomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xilalkii laga qaaday Madaxda Sare ee maamulkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here