Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay toogsho ku dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.
Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan xalay ka dhacday Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dhanka kale Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen,islamarkaana ay sii kordhin doonaan weerarada noocaan oo kala ah.
Goobjoogayaal ay sheegay in ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.
Dhanka kale Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda waxaa lagu dabiibayaaisbitaalka magaalada Boosaaso.

