Taliyihii Ciidanka Garoonka Magaalada Gaalkacyo oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Askari ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland uu ku toogtay  Gudaha Garoonka Magaaladaas Taliyihii Ciidamada Ammaanka Garoonka Col. C/salaan Sanyare iyo Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Garoonka.

Askariga ayaa la sheegay in uu si bareer ah rasaas ugu furey Taliyaha, iyadoo Rasaastu ay sababtay dhimashada Taliyihii Ciidamada Garoonka Gaalkacyo ee Maamulka Puntland iyo Askari kale,waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mida Ciidamada Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha  Gaalkacyo,waxaana la Xanibay Dhaqdhaqaaqa Garoonka, inkastoo xaaladda ah haatan tahay mid sideeda kusoo laabatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here