Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta saxiixay sharciga Isgaarsiinta ee dalka, kaasoo si rasmi ah u dhaqan galaya wixii manata ka bilowda.
Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu qabtay Munaasabad uu madaxweynuhu ku saxiixayaya sharcigaasi, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Xildhibaano iyo bulshada rayidka.
Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in sharcigan aanu wax sahlan aheyn, isla markaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahad celiyay dhinacyadii gacanta ka geystay.

