Iyadoo mudooyinkii danbe ay xayirnayeen Garoomada diyaaradaha maamulka galmudug ayaa waxaa maanta oo isniin ah dib loo fasaxay Duulimaadyadii garoomada diyaaradaha maamulkaasi.
Afhayeenka maamulka galmudug Abdulaahi Xaashi Roobda-ay oo la Hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in gabi ahaanba la fasaxay duulimaadyadii Garoomada diyaaradaha waxuuna intaasi raaciyay in laga gaaray dantii laga lahaa.
Afahayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in Galmudug Ay ka bad baaday afgambi lala donayay waxuuna Soo hadal qaday Xayiraad lagu soo Rogay maamulka ineyan Sameyn ku yeelan doonin waxbarashada ganacsiga iyo cafimaaadka.

