Wasaaradda Amniga oo Baaq u Jeedisay Shacabka Magaaladda Muqdisho+Dhageso

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa baaq u jeedisay shacabka Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya  Axmed Carab oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho,  ayaa ka warbiyay howlgaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaaladda Muqdisho.

Axmed Carab ayaa sheegay In holwgaladiii ugu dambeeyay ee laga sameeyay degmooyinka Gobolka Banaadir in lagu qabtay dad badan oo lagu tuhmaayo in ay qeyb ka yihiin falalka amnidarada ee ka dhaca magaaladda muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya  Axmed Carab ayaa ugu baaqay shacabka Magaaladda muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loogu guuleysto Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here