Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in abaalmarin gaareysa 2 million oo shilinka kenyatiga ah in ay siin doonaan cid walba oo xog lagu xiro karo kasoo gudbisa dhowr dagaalyahano oo ka Tirsan Xarakada Al shabaab kuwaa oo ka dagaalama bariga qaarada Africa.
Dagaalyahanadaan waxaa kamid ah kuwa dowlada Kenya ay ugu shakisay in ay tababar siiyaan dhalinyarada kenyaatiga si Xarakada Al shabaab ay ugu biiraaan iyo shabakado lagu barto falalka xagjirnimada.
Mohamed Ebrahim Mohamed ayaa booliiska dalka Kenya waxa ay sheegeen in uu yahay nin hubeysan islamarkaana qatar ku ah nabadgalyada dowlada Kenya waxaana shacabka Kenya lagu amray in booliiska ay la soo xeriiraan hadii ay helaan xog ku saabsan dagalyahano ka Tirsan Xarakada Al shabaab.
Ciidamada booliiska Kenya ayaa abaalmarintan ku sheegay in ay kor ugu qaadayaan dagaalka ka dhanka ah al shabaab kuwaa oo weeraro ka fuliya gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya.
Dagaalyahanaada ay doon doonayaan ciidamada booliiska Kenya waxaa kamid ah labo walaalo ah oo lagu kala magacaaabo Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu kuwaa oo ku luglahaa sida ay sheegtay dowlada Kenya ay afduub iyo togashooyin ka dhacay deegaada Gobolka Woqooyi Bari.

