Bulshada ku nool deegaanka keynta ee Boni kuwaa oo saameyn xoogan ay ku yeesheen howlgalka Linda Boni ee ka soconaya goblada waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa dowlada dalkaasi waxa ay ku eedeeyeen in ay dayacday amnigooda iyagoo xusay in ay joojiyeen dhamaan beerihii ay katabcanayeen deegaanka keymaha Boni .
Kadib markii 2015kii deegaankan uu noqday meel ay ka socdaan howlgalo dagaal ayaa dadka ku nool waxaa soo wajahday xaalado bini’aadanimo waxaana xaafadaha keymaha boni ay noqdeen aag dagaal oo bartilmaameed u ah Xarakada Al-shabaab.
Agaasimahii Howlgalka Linda Boni ahaana wasiirka arimaha amniga Kenya General Joseph Nkaissery ee geeriyooday ayaa lagu eedeeyay tan iyo markii uu howlgalka bilaabay in keenta Boni ay noqotay meel ay ku dhuumaaleestan dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.
Inta uu howlgalkan socday dadka ku nool keymaha boni ayaa ahaa kuwa aan heli Karin biyo nadiif ah iyagoo sheegay in had iyo jeer amnigoodu uu xaalad Qatar ah kujiro oo xarakada Al-shabaab weeraro ay ku soo qaadaan.

