Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay baarlamaanka Maamulka Galmudug sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa sheegay inay waxba kama jiraan tahay xil ka qaadista Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen.
Xaaf waxa uu sheegay in Dastuurka Galmudug uu qabo in muddo 6 bilood aan madaxweynaha wax mooshin ah laga keeni karin sidaa darteedna isagu uu haatan xafiiska joogo muddo 4-bilood.
Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in Xildhibaanada sheegay in ay xilka ka qaadeen ay yihiin kuwa u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaliya, islamarkaana uusan aqbali doonin wax walba ay soo saaraan.
Xalay 55-xildhiban oo ka Tirsan Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday madaxweyne Xaaf, waxayna sheegeen in uu ku xad gudbay dastuurka Dowladd goboleedka Galmudug u yaala.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafadeed ay ku taageerayso Go’aanka Xildhibaanada Galmudug ay xilka ugu qaadeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

