Allaha U Naxariistee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo kamid ahaa Golaha wakiiladda maamulka Somali-land ayaa ku geeriyooay waddanka Hindiya.
Xildhibaankaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Hindiya oo uu u joogay hawlo caafimaad.
Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu dhowaan kursiga guddomiyaha barlamaanka Maamulka Somali-land kula tartamay Baashe Maxamed Faarax oo hal cod kaga guulaystay cod gacan taag ah oo loo qaaday.
Dhanka kale Madaxda maamulka Somali-land ayaa Tacsi ka dirtay Geerida ku timid Allaha u naxariistee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

