Xaaf:-Dagaal Ka Dhaca Magaaladda Gaalkacyo Diyaar Uma Nihin”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii todobaadkaan ka dhacay bariga Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay  Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay ay ka xun yihiin dagaalka dhiiga badan uu ku daatay ee ka dhacay deegaanka Godod ee bariga gobolka Mudug,wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo kala dhex galo dhinacyadii halkaas ku dagaalamay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa soo dhaweeyay heshiis dhawaan maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku gaaraan Magaaladda Gaalkacyo kaasi oo dhigay in laga baaqsado dagaal mar kale ka dhaca Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here