Ajaanibta Joogta Soomaaliya oo Cabsi Gelin Ku Haysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed+Dhageyso

0

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa sheegay in dadka ajaanibta ah ee jooga Soomaaliya ay cabsi gelin ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in waxyaalaha lala yaabo ee uu ku arkay Magaaladda muqdisho ay qeyb ka yihiin in muwaadin Soomaliyeed oo ku dhashay Magaaladda, in uu ka baqanayo muwaadin ajnabi ah oo dalka ogolaansho ku jooga.

“Nin Xamar jooga oo caasimadiisa jooga ayaa ka baqaya nin ajnabi ah,waxaan arkay nin Soomaliya sheegana hadana Ethopia ah, wuxuu ku leeyahay waxaan ahay muwaadin Soomaliyeed, dowladda Soomaliya ayaa laga doonayaa in ay wax ka qabato arintaas”, ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here