Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.
Xubnahaan ayaa kawada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo hormarinta arrimaha bulshada.
Ugu horeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in labada dhinac ay qorshe u sameyeen arrimah la xiriiro shilalka ay xiliyada qaar geestaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM xiliyadda ay isticmaalayaan wadooyinka Muqdisho.
Sidoo kale gudoomiye Taabid ayaa tilmaamay inay ku heshiiyen in ciidanka AMISOM ay si dhaqsi ah u soo wareejiyaan garoonka weyne ee Muqdisho Stadium, isagoo xusay in gudo loo saarayo qorsha soo wareejinta garoonka oo dhawaan lagu soo wareejin doon.




