Warqad kasoo baxday Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf xilkii ka qaaday Taliyihii Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u qaabilsanaa Galmudug.
Su’aal mudan in la isweydiiyo ayaa ah Madaxweyne Xaaf xilka ma ka qaadi karaa Taliye Federaalku soo magacaabay. Waayo Taliyahan waxaa soo magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya.


