Hay’adda sirdoonka qaranka dalka Kenya ee NIS ayaa sheegay in ay jiraan cabsi xoogan oo ay ka qaban dagaalyahanada xarakada Al-shabaab waxaana ay tilmaameen in horumarka iyo amniga dalka Kenya ay in ay Qatar weyn ku hayaan.
Ku-xigeenka hay’adda sirdoonka qaranka dowlada Kenya Alexander Muteshi ayaa xili uu shir saxaafadeed ku qabtay deegaanada xuduuda Kenya ee Mandera, wajer, Garisa Iyo Lamu ayaa waxa uu tilmaamay in qatarta ka imaan karta dhanka xadka ay tahay mid weli taagan .
Mr Muteshi ayaa sidoo kale baarlamaanka Kenya ku wergeliyay hanjabaaadaha ka imaanaya Xarakada Al-shabaab ee fadhigoodu yahay soomaaliya iyo unuga la magac baxay qilaafada islaamka ISIL ee iyana ka howlgala deegaanada maamulka Puntland.
Waxaa ku-xigeenka sirdoonka qaranka uu sheegay in ay ka cabsi qaban weero lagu qaado kaniisadaha, schoolada, goobaha ganacsiga iyo meelaha dadka ay isugu yimaadaan laakiin waxa uu sheegay in ay ka guuleyteen doonaan iyagoo dowlada Kenya la kaashanaya howlgalkaasi.
Waxaa sidoo kale uu xusay in cabsi nuucaan oo kale ah ay ka taagan tahay magaalooyinka xuduuda la leh dalka soomaaliya.

