Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax gaari loogu xiray sarkaal ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho oo saakay ka dhacay Nawaaxiga isgoyska Xaafadda Maana-booliyo dhinaca degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in Cumar Abuu Shiine uu kamid ahaa saraakiisha Dowladda Soomaliya ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho islamarkaana uuna ka shaqeynayay dhagarta Xarakada Al-shabaab.
Waxay sidoo kale Al-shabaab ay sheegeen in qaraxa gaariga lagu xirey ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ka howlgala Magaaladda Muqdisho, islmarkaana ay sii kordhin doonaa weerarada noocaan oo kala ah.
Dhanka kale Saraakiisha Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan siduu u dhacay qaraxii saakay lagu qaarijiyay Cumar Abuu Shiine uu kamid ahaa sarakiisha Dowladda Soomaliya ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho.

