Qarax gaari lagu xirey ayaa Goordhaweyd laga maqlay gudaha magaaladda Muqdisho ee Caasiamdda Soomaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Xaafadda Maana-boolyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir.
Qaraxa ayaa gaarigiisa loogu xirey mid kamid ah Saraakiisha ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sargaalka Qaraxa loogu xiray gaariga ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Abuu-shiine oo xiligaa kusii jeeday shaqadiisa Garoonka.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo shacab ah oo mid kamid ah uu dhaawiciisu yahay mid halis ah.

