Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Lacagaha Loogu Leeyahay QM+Dhageyso

0

Abuukar Daahir Cismaan Danjiraha Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOA ayaa sheegay inuu arkay waraaqada ay ku qoran tahay in lacago lagu leeyahay Soomaliya islamarkaana aysan cod ku yeelan doonin shirka haatan ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay aanu hubin inay sax tahay iyo inkale warqada uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Somalia lagu leeyahay lacagihii qaadhaanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.

Danjiraha Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya  Abuukar Daahir ayaa sidoo kale sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.

Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here