Nin Isku Daldalay Deegaanka Ceeldheere

0

Cabdi yare dhoodaan Maxamed Guuleed oo kamid ahaa bulshada Magaaladda Dhuuso mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa meydkiisa oo geed  ka lulanaya waxaa laga helay Agagaarka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga dhuusa mareeb.

Waxa uuna kamid ahaaa dadka kunool tuulooyinka hoostaga matabaan halkaas ayuu kasoo lugeeyay sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladiisa isagoo markii dambe isku daldaley halka meydkiisa laga helay.

Sababta uu isku daldaley Cabdi yare Dhoodaan Maxamed Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in xoolihii uu laha ay abaartu dhaafisey, islamarkaana uu dareemay jahwareer taasina ay keentay in uu is dal dalo,

C/laahi Cabdi waxa uu ka mid yahay maamulka magalada Dhuusa mareeb simba ayuuna arintaan uga warmay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here