Raisulwasaare Kheyre oo Ku Wajahan Magaaladda New York

0

Wafdi uu hogaaminayo Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Somaliya.

Raisulwasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Magaaladda New Yor ee dalka Mareykanka waxaa dhawaan gaaray wafdi horudhac u ah wafdiga Dowladda Soomaliya uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Shirkaan waxaa lagu Casumaamay Madaxweynaha  Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) balse waa uu ka baaqday ka qeyb galka shirkaas

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here