Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda ethopia ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa shir gudoomiyaha Kulanka ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka buuxsami waayay.
Waxa uu sheegay Gudoomiye Jawaari in Xildhibaanada badankooda ay wali fasax ku maqan yihiin, islamarkaana kulanka uusan ku furmi Karin xildhibaanada soo xaadiray.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa kasoo horjeystay go’aankii Dowladda Soomaliya ku dhiibtay Sarkaal ONLF ka tirsan ee loo gacan geliyay Itoobiya, kaasi oo lagu magacaabo C/kariin Qalbi Dhagax.

