War Deg Deg:-Weerar Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysana aya Goordhaweyd  rasaaseeyay Gaari uu leeyahay Guddoomiye kuxigeenka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa ka dhacay agagaarka  Dabakaayo Madow, iyadoo isku daygaas uu ka bad baaday Guddoomiye kuxigeenka.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo gaari saarnaa ay ku hor-jareen gaariga Guddoomiye kuxigeenka, kadibna ay rasaas ooda uga qaadeen.

Sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal xilliga gaariga la rasaaseynayay aanu saarneyn Guddoomiye kuxigeenka, balse waxaa rasaasta ku geeriyooday darawalkiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in baaritaan uu socdo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare lagu rasaaseeyay agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodan, iyadoo Xildhibaanka aanu xilligaas saarneyn gaariga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here