Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan qaraxyada ku soo laab-laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay
Wasiirka Amniga ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbed Soomaliya Xasan Maxamed Xuseen(Xasan eelay) oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in wasaaradiisa ay dajisay qorshayaal loogu hortagayo qaraxyadda kusoo laab-laabtay magaaladda baydhabo, ee caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.
“Koonfur Galbeed Soomaliya waxa ay wax ka qaban doontaa falalka amniga lidiga ku ah,qaraxyadda ismiidaaminta waxa ay ka dhacaan meel walba oo dunida kamid ah, ragga Al-shabaab la yiraahdo waxay caadeysteen dhibaateynta shacabka”, ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbed.
Qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday Baaskiil ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Maqaayadd ku taala bartamaha Magaaladda Baydhabo,waxaa la xaqiijiyay in qaraxaas ay ku dhinteen 4-qof.

