Al-shabaab oo Muwaadiniin Kenyaati ah Ku Gawracay Deegaanka Lamu

0

Dagaalyanada Xarakada Al-shabaab ayaa afar qof oo kenyaati ah ku dilay jaziiradda Lamu iyo magaalada Hindi oo ku teedsan gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya , dilka loo geestay muwaadiniinta kenyatiga ayaa yimid xilli dadka dibad baxayo ay ka dhigayeen deegaanadaasi iyadoo laamaha aamaanka halkaasi aysan gaariu xiliga rabshadu ay bilowdeen.

Dhacdadan ayaa daba socoto mid nuucaan oo kale ah oo isla deegaanadan ka dhacday kadib markii Xarakada Al shabaab ay weerar ku dileen saddex qofood oo gaari bus ah saarnaa deegaanka Nyongoro oo ka Tirsan magaalada Jaziiradda ah ee Lamu.

Weerarkan ugu dambeeyay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qofood oo baxsaday kuwaa oo dhaawacyo halis ah ay ka soo gaartay rasaasta ay rideen dagaalyanada Al shabaab.

Deegaanadan waxaa aad ugu batay todobaadyadii lasoo dhaafay weerarada ay geestaan Al shabaab oo ugu yaraan 20 qofood ay ku dhinteen, waxaana laamaha amaanka dowlada Kenya halkaasi ay ka wadaan howlgalo balaaran si looga hortago weerarada iyo dilalka ka dhaca gudaha dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here