Akhriso:-Taliye Cabdirashiid oo Ka Hor Yimid Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay

0

Taliyaha qaybta  booliska Gobolka Nugaal  ee Puntland G/sare Cabdirashid Maxamuud Ow xuseen oo shir Jaraaid qabtay  ayaa  kasoo horjeystay xil ka qaadis la sheegay in uu ku sameeyay Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay  inuusan awood u lahayn taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Puntland Bille Faarax Cali inuu xilka ka qaado.

Cabdirashiid ayaa tilmaamay inuusan Taliye ku xigeenka booliisku adeegsan karin xilka taliyaha booliiska, isagoo hadalkiisa ku daray inuusan ahayn kusimaha taliyaha booliiska.

Warqada uu qoray ayuu sheegay inay tahay mid aan waxba badalayn ee laab la kac ah , islamarkaana meel looga dhacayo sharci dalka u yaal .

Dhanka kale G/sare Cabdirashiid ayaa hadalkiisa ku daray kornayl taliye ku xigeenka ah wax u dhaafsiisana aysan jirin inuu xilka iga qaado waxaan u arkaa laab la kac iyo awood sheegasho uusan lahayn.

Ugu dambeyntii Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal ee Puntland  ayaa xusay in markii hore lagu soo magacaabay direego Madaxweynaha islamarkaana uu iyada ku tagi karo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here