Akhriso:-Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Dilay Koonfur Afrika+Dhageyso

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Degaanka Istook-toonif oo dhaca Duleedka Magaalada Pritoria  ee dalka Koofur Afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Shariif Cartan Diiriye kana Mid ahaa Ganacsada Soomaaliyeed ee  ku nool Wadanka Koofur Afrika.

Allaha  ha naxariistee Shariif Cartan Diiriye oo ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada  Magaalada Pritoria  ayaa waxaa Toogtay Burcad Koonfur Afrikaan ah oo Hubaysan Xili uu ku Sugnaa Goobtiisa Ganacsi kuwaasi oo Dilka ka dib goobta ka baxsaday sida ay Idaacada Simba u Xaqiijiyeen Dad ka agdhawaa Marxuumka la Dilay.

Wariyaha Idaacada Simba ee Dalka Koonfur Afrika Maxamed Xuseen Tuuraq  ayaa Xaqiijiyey dilka Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Xalay lagu Dilay Dalka Koofur Afrirka,waxaana socda baaritaan la xiriira arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here