Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa saakay weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Maamulka Jubba-land ay ku lahaayeen deegaanka Buula Gaduud ee duleedka Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waxaa xigay dagaal toos ahaa oo Al-shabaab ay la galeen Ciidamada Maamulka Jubba-land ee degaankaas ku sugnaa sida ay inoo sheegeen saraakiil ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubba-land.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dhimashadu ka badan tahay 26 askari islamarkaana khasaaruhu sii badan karo sababa la xiririira qaraxyo kolonyo gurmad ah lagula beegsaday deegaannada Qaamqaam iyo Yoontooy.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaaya deegaanka Buula Gaduud ee duleedka Magaaladda Kismaayo ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulka jubba-land ay dib ula wareegeen deegaankaas, kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamada Al-shabaab.
Ila haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Jubba-land oo loogu hadlaayo dagaalka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaankaas, oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada jubba-land.

