ONLF oo War Kasoo Saartay Sida Ethiopia Loogu Gacan Galiyay Qalbi Dhagax

0

Ururka ONLF,  ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo sida Dowladda Ethopia loogu gacan galiyay Abdikarin Sheikh Muse( Qalbi Dhagax ) oo kamid ahaa guddiga Fulinta ee ONLF, oo deganaa magaalada Gaalkacyo saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Ururka ayaa sheegay in sarkaalkaas ay qabashadiisa  fududeeyeen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed qeybtooda Goboolada Dhexe islamarkaana laga duuliyay Magaalada Muqdisho loona gacan galiyay Dowladda Ethopia.

Ururka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Dowladda Soomaliya ay iska indha tireen codsiga  loo gudbiyay ee ku aadanaa in gacanta aan loo galinin Dowladda Ethopia Abdikarin Sheikh Muse( Qalbi Dhagax ) oo kamid ahaa saraakiisha Ururka.

Sidoo kale Ururka ONLF ayaa sheeegay in arintaa uu kaalin  ka qaatay Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliya islamarkaana haatan dowladda ethopia ay dhibaato ku hayso mas’uulkaas ka Tirsanaa guddiga Fulinta ee ONLF.

Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed Jeneraal Sambaloolshe in uu ka dambeeyay in Dowladda Ethopia loo gacan galiyo Abdikarin Sheikh Muse( Qalbi Dhagax ).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here