Mareykanka oo Ka Digay in La Fududeeyo Ka Bixitaanta Ciidamada AMISOM

0

Ka bixitaanka Ciidamada  Nabad ilaalineed ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan howlgalka midowga Africa ee AMISOM waa in loo fiirsadaa oo la qorsheeyaa  sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan hay’adaha amaanka dowlada mareykanka gaar ahaan howlgalka AFRICOM ee qaarada Africa kaa oo fadhigiisu yahay dalka Germany.

Waxaa sidoo kale saraakiil ka hadashay xaaladda nabad galyo ee soomaaliya ay sheegeen in saameeyn aan wanaagsaneen ay yeelan karto hadii lagu dhaqaaqo in dalka laga saaro ciidamada nabad ilaalinta kuwaa oo ku tilaabsaday horumar ku aadan dib u qabsashada deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta Soomaliya.

Waxaa sidoo kale sarkaalkan uu sheegay in xarakada al shabaaab aaney rabin nabad galyada gobalka geeska Africa ayna tahay in la sii wado cadaadiska saran dagaaalyanada  Al shabaab waxaana uu sheegay in soo kabsashada soomaaliya ay adag tahay marka loo eego dhanka amaanka.

Waxaa gudaha dalka soomaaliya ku sugan ciidamada dhowr dal oo africaan ah oo hoos yimaada howlgalka AMISOM  kuwaa oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 20,000 oo askar iyagoo hal qarni dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here