Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir Nuur.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in la mideeyay dhamaan Agaasinka Wasaarada waxbrashada Hiddaha iyo tacliinta Sare.
Sidoo kale waxaa la sheegay in meesha laga saaray Awoodii Agaasimhii Guud ee Hiddaha iyo tacliinta Sare oo ahaa Ismaaciil Yuusuf Cusmaan,maadaama Wasaarada Waxbarashada Agaasime guud loogu Magacaabay Xasan Mxamed Cali (Tata).

