Dad Loo Xirey Dilkii Loo Geystay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud.

0

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xabsi dhigay dad lala xiriirinaayo dil dhawaan loogu geystay degmadda Yaaqshid ee gobolka banaadir Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmada Yaaqshid ee Gobolka banaadir  oo ah halka lagu dilay gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Dowladda  Soomaliya ay gacanta kusoo dhigeen  dad lala xiriirinaayo dilka.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal qorshaysan oo laga sameeyay gudaha degmadaas lagu soo qabtay rag lagu eedeeyay dilka Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Shiikh Cali Cilmi iyo walaalkiis Eng. Xasan Shiikh Cilmi, kuwaasoo la dilay 4-tii bishan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here