Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xabsi dhigay dad lala xiriirinaayo dil dhawaan loogu geystay degmadda Yaaqshid ee gobolka banaadir Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud.
Maamulka Degmada Yaaqshid ee Gobolka banaadir oo ah halka lagu dilay gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ay gacanta kusoo dhigeen dad lala xiriirinaayo dilka.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal qorshaysan oo laga sameeyay gudaha degmadaas lagu soo qabtay rag lagu eedeeyay dilka Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Shiikh Cali Cilmi iyo walaalkiis Eng. Xasan Shiikh Cilmi, kuwaasoo la dilay 4-tii bishan.

