Maamulka Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixiyay Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ahaa ku rasaaseeyay duleedka Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolkaas.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Bille Cabdi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in arintaas ay ku dhacday aano qabiil islamarkaana dadka wax geystay horey looga dilay dad ehelkooda ah.
Waxa uu Sheegay in Galmudug ay haatan ku howlan tahay sidii loo xalin lahaa xiisad la sheegay in ay ka dhalatay rasaasta lagu furey dadka shacabka ahaa ee la socday gaariga marayay inta u dhexaysa deegaanka Bandiiradlay iyo Tuulada Laan-waaley oo dhaca Koonfur Galbeed Magaalada Gaalkacyo.

