Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maamulka hir-shabeelle Cali C/laahi osoble ayaa maanta gaaray Magaaladda Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.
Osoble iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne waxaana aan la shaacin safarka uu maanta ku gaaray magaaladaas mudada uu qaadan doono.
Booqashada Cali Cabdulaahi Cosoble uu ku tegey magaalada Beledweyne ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo markii ay 14kii bishan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cali C/laahi osoble uu doonayo in uu helo kalsoonida shacabka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan oo heyb ahaan uu kasoo jeedo islamarkaana ay jiri doonaan kulamo uu la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan.

