Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer howleed ku tagay dekedda weyn ee magaalada, waxaana kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle. Kormeerkan ayuu ugu kuur-galayey Ra’iisul Wasaaruhu sida ay howlaha kala duwan ee dekeddu u socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha warbixinno ku saabsan sida ay u socdaan howl-maalmeedka shaqo ee dekedda ka dhageystay maamulka dekedda, iyagoo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in howshu ay u socoto si caadi ah, isla markaana ay sii kordhayaan horumarka ballaaran ee sameynayso dekeddu.
Kormeerka kadib, Wasiirka Maaliyadda C/rixmaan Ducaale Beyle ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna faah-faahin ka bixiyey kormeerka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ugu kuurgeliyey shaqada dekedda Muqdisho.





