Agaasimaha Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo Shir jara’id ku qabtay Xarunta ay Muqdisho ku leeyihiin ayaa si deg deg ah ugu hadlay Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in la kala diray Rugta.
Agaasimaha ayaa sheegay in arrintan ay goor dhow maqleen, waxaana uu tilmaamay in haba yaraatee aysan jirin wax wargalin ah oo ay Wasaaraddu la soo sameysay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Somalia.
Sidoo kale waxaa uu Sheegay in Rugta Ganacsiga markii Madaxdeeda la dooranayay ay Goobjoog ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukumadda oo uu ku jiray Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukumadda Somalia, Ra’isul wasaarahana uu aqoonsan yahay .



