Akhriso:-Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo La Baabi’iyay

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo  Warshadaha ayaa lagu baab’iyay  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyadoo wareegtada lagu xusay sababaha loo baabi’iyay.

Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  ayaa lagu sheegay in wixii laga bilaabo maanta la baab’iyay rugta ganacsiga iyo warshadaha maadaama ay jiraan labo rug ganacsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay soo sheegi doonto xilliga la qabanayo doorashada .isla markaana rugaha ganacsiga ee ka jira maamul goboleedyada ay si toos ah ula soo xiriiraan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha

Rugtaan waxa gudoomiye u ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here