Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ee hoos yimaada Taliyaha Ciidanka Difaaca Guud Axmed Maxamed Jimcaale(Cirfiid), iyo saaxibadda caalamiga ah ayaa hawlgal amaan xaqiijin ah waxa ay ka bilaabeen maanta oo taariikhda ay ku beegneed 25-kii Augusta meel ku dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose taas oo keentay dhimashada 8-deed ka Tirsan Dagaalyahanada Al-shabaab.
Ciidamada nabadgelyada waxay u baxeen dhirer wayn si looga hortago khasaaraha rayidka ah inta lagu jiray hawlgalka mana jirin qof shacab ah oo lagu lagu dhibaateeyay weerarka ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Ciidanka XDS waxay saaka aroornimadii ku qaadeen weerar qorshaysan beer ku taala Bariire oo ay joogeen dagaalyahanada Al-shabaab, Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay rasaas kusoo furaan ciidammada XDS ka dib markii askarteena ay galeen beerta. Shaqsiyaadka Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay toogteen waxa ay ahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali ayaa yiri, “Beerta Bariire ku taala waxay ahayd xerada dagaalyahanada Al-Shabaab, Shakhsiyaadka lagu dilay weerarka intuu socday waxa ay ahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
FG:-Hadalkaan waxaa bartiisa bulshada kusoo daabacay wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Osmaan Yariisow.


