Farmaajo:-“Baaritaan ayaa Lagu Sameyn Doonaa Weerarkii Shabeelaha Hoose”,

0

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii lagu laayay deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha oo bartiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo dadkii la laayey ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo dadka lagu laayey weerarkaas ka dhacay subaxnimadii hore ee saakay deegaanka Bariire.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  sheegay inay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyn doonto wixii dhacay iyo qaabka ay u dhaceyn,islamarkaana ay tahay wax aad loogu xumaado in shacab masaakiin lagu xasuuqay goob ay ku sugnaayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here