Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa bilaabay Qorshayaal looga hortagayo Weerarada Al-shabaab ay ku qaadeen Xarumaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Dagmadaas iyo Deegaanada Hoostaga.
Ciidamada Dowladda ayaa baro kontarool oo Cusub waxaa ay ka hergaliyeen Heeraha Degmada Mahadaay kuwaasi lagu baarayo Gaadiidka iyo Dadka la socda ee ka yimaada deegaanada kala duwan ee Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo Magaalada Muqdisho si dagaalyahanada Al-shabaab aysan u soo galin gudaha magaalada.
Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe C/laahi Geel doox oo la hadlay Idaacada ayaa sheegay in kontarooladaadi ay qeyb ka qaadanayaan Sugida Amniga Degmada iyo ka hortaga weerarada Al-shabaab.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

