Xildhibaan aadan Macalin oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe isla xalay oo u tagay Xaalad Caafimaad Sida Idaacada Simba ay u xaqiijiyeen ehelada Marxuumka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.
Allaha Ha u naxariistee Aadan Macalin ayaa xanuun deg deg ahaa kadib Cagihiisa ku tagay Isbitaalka waxaan la sheegay in Xanuunka sii siyaaday Awgiis uu geeriyooday inay ay dhaqaatiiru ku howlanaayeen la tacaalida xaaladiisa caafimaad.
Madaxda Maamul Gobaleedka Hir-shabeelle ayaa Saaka u diyaar garoobaya inay ka qeybgalaan Aaska alalaha Ha u naxariistee Marxuum Ex-Xildhibaan Aadan Macalin oo horey Shaqooyin kala duwan uga soo qabtay deegaanada Hir-shabeelle Xiligii Dowladdihii ku meel gaarka ahaa.

