Jeneraal Galaal oo La Kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

0

Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa shalay galinkii dambe gaaray Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Jeneraalka ayaa xalay kulan ay albaabada ay u xirnayeen waxa uu kula qaatay madaxtooyadda maamulkaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Shirka labada Masuul ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen  waxaana loo ogolaanin saxaafadda, ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa inoo xaqiijiyey in Jen. Galaal oo isku dayayo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Ahlu sunna.

Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in Galaal uu Madaxweynaha u gudbin doono qodobo uu ka wado Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna.

Wararka aan ka helayno dhanka Ahlu sunna ayaa sheegaya in ay ku kala aragti duwan yihiin ergeynta Jeneraal Galaal, iyagoo u arka inuusan ku matalin arintan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii uu usoo xero galin lahaa  Ahlu sunna oo gacanta ku haya caasimadda Maamulka Galmudug Magaalada Dhuusamareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here