Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya Gaari loo maleynayo in ay saaran yihiin walxaha qarxa ayaa yaalla Iridda Jaamacadda Umadda,dhanka Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.
Gaariga la qabtay ayaa noociisa lagu sheegay Spacia,waxaana wadooyinka soo gala Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho xirey Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya,waxaana loo diiday in shacabka isticmaalaan.
Sidoo kale waxaa loo yeeray Ciidamada Miino baarista Dowlada Soomaliya si ay arinta u xaqiijiyaan.
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sameynayay howlgalo ay ku qabanayeen gawaarida lagu soo xiro waxyabaha qarxa.

