Xujayda Soomaalida ah ee ka Xajinaysa wadanka gudihiisa ayaa eedeen u jeedisay dadka ka xeeya xujaydda oo ay sheegeen in ay lacag badan ka qaadeen.
Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaado iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay tilmaameen hoteeladda ugu jaban aan wanaagsaneyn la dajiiyo taas oo ay barbar dhigeen Xujayda kale oo la dajiyo hotelada ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhaweeyo.
Mid kamid ah wariyayaasha kasoo xajiyay dalka Dibadiisa ayaa isbarbar dhig ku sameeyey xujayda Soomaali ka timid iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado meelo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaada lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro.
Dhina kale qurbo joogta soomaaldia ee xajka timid ayaa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxeyna sheegeen in ay u mahad celinayaa dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi“Anagu waxaanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaco leh.”
Sheikh Maxamed Haybe oo ka mid ah xujayda soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka taktay wadanka gudihiisa iyo nolosha adag iyo adeeg la’aanta ay wajahayaan marka Xajka gudanayaan.
Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhaw afar kun oo dollar, halka wadamadda jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.

