Wasiirka War-faafinta Dowlada Gobaleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahinka ka bixiyey Xaalada Gobalada Sool,Sanaag iyo Togdheer oo qeybo ka mid ah oo ay ku Muransan yihiin Soomaali-land iyo Puntland.
Wasiir Qarjab ayaa Soomaaliland ku eedeeyey inay Dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland ku nool Gobalada Sool iyo Sanaag iyo Ceyn ay Xoog ugu Qasbayso inay Qaataan Kaararka Diwaan galinta Doorashada Soomaaliland ay geysay Deegaanada Gobaladaasi Taasi oo ku Tilmaamay Mid ka Hor imaanaysa Nabad ku wada Noolaashaha Bulshada Walaalaha ah ee Labada Maamul.
Wasiirka War-faafinta Puntland Mudane Cabdi Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa Sheegay Soomaali-land ay Faro galin ku heyso Deegaanada Puntland islamarkaan ka gudubtay Xaduudihii hore ee labada Maamul ay la haayeen waxa uuna Xusay Ciidamada Soomaali-land ay Xoog ugu qasbayaan dadka Puntland ee Gobalka Sool inay qaataan Kaararka Diwaan galinta si Soomaali-land ay u Sheegato Dhulkaasi.
“Puntland Madoonayso Dagaal ka Dhaca Gobalka Sool,Mandoonayso in Dadkeeda lagu Qasbo inay ka Qeybgalaan hanaan Diidan Soomaali-nimada wada daganaanshaha ,Bulshada Sool,Sanaag iyo Ceyn,waxaa la soo dhafay Xabad iyo Xoog la Adeegsan jiray waxaan ugu Baaqaynaan Soomaali-land inay Joojiso Dagaalka ay ka Abaabulayso Xaduudaha Puntland oo Dastuurkeenu Qeexayo ay lama taabtaan yihiin” Ayuu yiri Wasiirka War-faafinta Cabdi Xirsi Cali Qarjab
Dhanka kale Idaacada Simba ayaa waxa ka weydiisay Wasiirka War-faafinta Puntland Wararka Sheegaya Puntland ay Ciidamo geysay Deegaano ka mid ah Dhulka lagu Muransan yahay ee Gobalka Sool waxa uu sheegay inaysan jirin wax ciidan ah oo Puntland ay gesay Deegaanada Marka laga Reebo Ciidamo Deegaanka ah Ilaaliya Kastam Puntland ay ku leedahay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool.

