Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay Qaab-dhismeedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Tilmaameen in uu ku dhisan yahay Hanan aan Waafaqsanayn Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed oo Muujinaya Qaab-Dhismeedka Xukuumada iyo Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Idriis Dhaqtar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka soo Jeeda Deegaanada Koofur Galbeed kana mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka Wada Maamulkaas oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay Madaxweyne Shariif Xasan uu Jabiyey Dastuurka Maamulka ka dib isbadalkii uu ku Sameeyey Golaha Wasiirada.
Xildhibaanka ayaa sharci daro ku qeexay Wasiiru-Dowlayaasha uu dhawaan soo magacaabay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed kuwaasi oo uu sheegay inay ka hor imaanayaan Dastuurka Koofur galbeed oo aan dhigayn Magacaabid Wasiiru-Dowlayaal waxa uuna Xusay in Madaxweyne Shariif uu bur-buriyey Hanaankii awood qeybsiga Beelaha Taasi Abuuraysa Isfahan-waa iyo Daganaansho la’aan siyaasadeed oo ka dhex-timaada Maamulka Koofur Galbeed.

