Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Weerar Dad Lagu Gowracay

0

Dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar qorshaysan oo lagu qaaday deegaan katirsan gobolka Lamu ee ku teedsan xeebaha wadanka Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorshaysan lagu beegsaday dadka Kirishtaanka Kenyaanka ah ee lagu deegaameeyay gobolka Lamu.

Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijiyeen  in 8 guri oo dad Kenyaan ah deganaayeen lagu gubay weerarka islamarkaana la waxyeeleeyay gaadiid yiilay gudaha deegaanka Maleli.

Dhanka kale Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Al-shabaab ay gowraceen dad kenyaan ahaa oo ku sugnaa guryahooda.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar dhiig badan ku daato uu ka dhaco gudaha wadanka Kenya, Al Shabaab ayaa bilihii dambe sare u qaadday weeraradeeda Kenya lagu qaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here