Xildhibaano Doortay Gudoomiyaha Cusub Baarlamaanka Hir-shabeelle

0

Xildhibaanada taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa xalay magaaladda Jowhar ee Caasimadda maamulkaas ku doortay Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas iyo ku-xigeenadiisa.

Xildhibaanada ayaa u doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Ahmed Abdi Cali oo helay 35,cod, Mohamed Abdirahman kheyre oo helay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad iyo Ahmed abdi farah 8-cod gudoomiye ku-xigeenka Labaad.

Sidoo kale Xildhibaanada Taageersan madaxweynihii Hir-shabeelle ayaa sheeagay in xubnahaas ay yihiin kuwa shaqeyn doona islamarkaana madaxweynaha saxda uu yahay Cali C/laahi Osoble oo la doortay sanadkii 2016-kii.

Dhawaan Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Maamulka hir-shabeelle oo tiro ahaan gaarayay 68-mudane ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Osoble,islamarkaana dhawaan la dooran doono madaxweyne Cusub.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamanka oo xalay isna la sheegay in ay xilka ka qaadeen xildhibaano taageersan Madaxweynihii Hir-shabeelle ayaa sheegay in 30-bari kadib la dooran doono madaxweynaha Cuusb ee maamulkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here