Xildhibaanadda Laga Soo Doortay Hir-shabeelle oo Soo Dhaweeyay Xil Ka Qaadista Cosoble

0

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee laga soo doortay deeganada Maamulka Hir-shabeelle oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xildhibaanada Hirshabeelle ay xilka ugu qaadeen madaxweynihii maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay waxaa kamid ahaa C/qaadir Cosoble,Daahir Amiin Jeesow iyoWasiirkii hore ee amniga Dowladdii Xasan Sheikh hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka waxayna dhamaantooda ay soo dhaweeyaan talaabadda ay qaadeen xildhibaanada Baarlamanka Maamulka hir-shabelle.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay muhiin tahay  in badal laga dareemo hogaanka sare ee Maamulka hir-Shabelle,islamarkaana la qabto doorasho lagu soo doorto madaxweyne ay si weyn ugu baahi qabaan shacabka Labada Gobol ee Hiiraaniyo Shabeellaha dhexe.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Shiikh Cusmaan barre Maxamed  oo maanta ku laabtay magaaladaJowhar ayaa ayiday xilka ka qaadista,islamarkaana uu madaxweyne siKMG ah u sii ahaanayo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here