Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed oo garab Ka helaya Ciidamada Midawga Afrika Ee Amisom In ay la wareegeen Deeganka Golweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaashaanle Dhexe Cabdi Salaad oo Kamida Saraakiisha Ururka 26-aad Ee Guutada Saddexaad Ayaa Sheegay In Deegaanka Golweyn ay Maanta Si Nabad Ah mar kale kula wareegen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Amisom
Sidoo kale Cabdi Salaad ayaa sheegay In Deeganka Golweyn ee dadka ku Dhibaateyn Jireen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab Islamarkana Maanta dadka Golweyn ka dulqaden Cadawgii Mudada Dhibka Ku Hayay waa siduu hadalka u dhigee.
Dhanka Kale G/Dhexe Cabdi Salaad Ayaa Sheegay Iney Sii wadi doonan dagaalka ey kula Jiraan Al-shabaab.
Maalmihii dambe waxaa deegaankaas ku sugnaa Ciidamada Al-shabaab,waxaana ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM,kuwa Dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab.

